Kadib Khilaafkii mudada dheer soo jiitamaayay una dhaxeeyay Mr.Farmaajo iyo Sheekh Axmed Madoobe, xal qabyo ahna laga gaaray, ayaa hadda hadda waxaa muuqanaaya ifafaalo cusub oo Maamulka Villa Somalia ay ku dooneyso iney is-bedel ku sameyso qaab dhismeedka Maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Konfur-galbeed, waxeyna isbiedeladaan saameyn ku yeelan doonaan Istraateejiyada Gobolada Konfureed, kadib markii Beesha Madaxweynaha ay ku gacan seyreen iney la heshiiyaan Hogaanka Jubbaland…
Horey waxaa jirey iskuday ay Saraakiisha Beesha Mareexaan ku doonaayeen iney xoog ku qabsadaan magaalooyinka Bu’aale iyo Kismaayo, iyadoo la kaashanaayo Ciidamada Ethiopia inkastoo uu dhicisoobay isku daygaasi, waxaana qorshahaan fashiliyey isbeddelka siyaasadeed ee ka socda Ethiopia.
Waxaa dibadda u soo baxaya warar sheegaya in Gobolka Gedo laga dhigaayo Dowlad goboleed, waxaase hortaagan caqabadaha ah in aysan buuxin shuuradaha loo baahan yahay oo ah in gobol kale ugu yaraan uu la midoobo. Wararku waxay sheegayaan in ay socoto wadahadalo hoose oo u dhexeya siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed si gobolka Bakool iyo Gedo ay ugu midoobaan Dowlad goboleed cusub. Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa ka kooban midkiiba saddex gobol, inkasta oo Jubada dhexe dhamaanteed ay gacanta ugu jirto kooxda Shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in maamulka Koonfur Galbeed uu ka soo horjeedo hindisan cusub ee sida qarsoodiga ah ku socdey bilihii u danbeeyey, laakiin ay jiraan Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed kuwaaan oo qorshaha aad u taageersan, Gobolka Gedo ayaa degmooyinkiisa badankood horey looga saarey kooxda Shabaab inkastoo ay ku sugan yihiin dhulka tuulooyinka iyo miyigaba magaalooyinka qaarkoodna ay kala xanibeen.