Boobka Hanti Iyo Guddiga Xalaaleynta

Somalia news

He’yadda Caafimaadka Aduunka (WHO), ayaa ku eedeeyay Dowladaha Kenya, Zimbabwe, Uganda, Somalia iyo Nigeria, iney safka hore kaga jiraan kiisaska la la xiriirinaayo iney la musuq-maasuqay deeqihii, qalabkii iyo kharashkii loogu tala galay la-dagaalanka cudurka caabuqa ee Covid-19….

Kulan degdeg ah loogu yeeray Golahii Wasiirada ee Xil gaarsiinta ayaa lagu ansixiyay Guddi aan laga soo baarandegin, kuwaasoo loogu magac daray La-dagaalanka Musuqmaasuqa, Gudigaan ayaa loo dhisay si ay gabbaad iyo gaashaan xalaaleeya ugu noqdaan boobka hantida Qaranka ee xiligaan kala guurka ah.

Maxaa Loo Dhisay Guddigaan;-

-In lagu horjoogsado Mas’uuliyiinta Mucaaradka inay isu soo sharraxaan xilka Madaxweynenimo.

-Inay daboolaan dhaca iyo boobka hantida ee ay Mas’iiyinta iyo saarkiisha dowladdaan Sameysay, lana abuuro buuq iyo inay difaac galaan kooxaha mucaaridka.

-Inay lagu xakameeyo doodaha ka dhalan kara boobka, bowd-jebiska Shidaalka iyo dhaca dhaqaalaha ka haray deeqihii dalka la siiyey ee aan wali la isticmaalin,

Magacayada guddiga iyo Beelaha;-

  1. Maxamed Cabdikariim Ibraahim (Reer Aw-xasan) Muudeey ayaa adeer u ah.
  2. Cabdiweli Axmed Cumar (Ogaadeen) – Al-Ictisaam–Fahad ayaa wata.
  3. Xasan Khaliif Xasan (Mareexaan) Cabdishakuur Cali Mire ayaa keensaday.
  4. Maxamed Xuseen Xaamud (Gaal-jecel) Farmaajo (Xooggaga wadaniyiinta)
  5. Saciido Maxamed Xaashi (Xawaadle) Farmaajo ( Xoogaga wadaniyiinta)
  6. Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan (Raxanweyn)- Mursal ayaa keensaday.
  7. Cabdullaahi Sh. Abuukar (Garre)- wasiirka cadaaladda Xasan Xaaji ayaa adeer u ah
  8. Khadar Axmed Diiriye (Isaaq) – Garxajis – Mahdi Guled ay qaraabo yihiin.
  9. Saamiya Saciid Xuseen (Gadabuursi) – Bayle ayaa adeer u ah.
59490cookie-checkBoobka Hanti Iyo Guddiga Xalaaleynta