Magacaabista Agaasime Guud Oo Dood ka Dhalatay Hanaanka loo Mareeyay…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Agaasime guud oo loo magacaabay Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada kadib markii Mas’ulkii ka horeeyay (Cabdullaahi Maxamed Cali) loo xiray Kiis Musuq ah, kaasoo baaritaano lagu hayo in muddo ah..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news loo xaqiijiyay in Agaasimaha cusub ee loo magacaabay Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (Yuusuf Xasan Isaaq) uu ka soo jeedo Degaanada Konfur galbeed isla matkaasna qaraabo hoose yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe,wuxuuna xil ka soo qabtay Wasaarada Qorsheynta oo la-taliye ka ahaa.

Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa Ergadii loo diray Waanwaantii laga dhex waday Villa Somalia iyo Hogaanka Konfur galbeed ee muddo kororsiga, iyadoo dood adag laga keenay Hanaanka loo maareeyay Magacaabista ee Hogaanka Villa Somalia, iyadoo Xasan Gurgurte uu ku kufay in Dalka uu ka dhaliyo Nidaam Adag oo cadaalad ku dhisan, Ololaha uu wadana (Musuq-maasuqa) uu yahay mid lagu bartilmaameedsanaayo Dad gaar ah oo ka aragti duwan.

264320cookie-checkMagacaabista Agaasime Guud Oo Dood ka Dhalatay Hanaanka loo Mareeyay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com