Ma Dhabaa in Golaha Nabada & Amaanka AU-da uu Taageeray in la Dhiso Howlgal Ciidamo Cusub..

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe cusub oo ay taageereen Golaha Nabada iyo Amaanka ee AU-da in la dhiso Howlgal cusub oo ay hoggaaminaayaan Midowga Afrika kadib markii hawlgalka ATMIS Somalia uu dhamaan doono Decembar 2024, talabaadaan ayaa la sheegay in si hordhac sh loogu heshiiyay..

Wararka ayaa sheegaya in howlgalka cusub ee AU-da ay hoggaamineyso ayaa diirada saari doonaan taageeridda Dowlada Federaalka si loo sii xidida siibo kooxaha Argagixisada sida kooxda Shabaabks loona sugo Amniga iyo in mudnaanta la siiyo ilaalinta Dadka Rayidka, in laga taageero xasilinta iyo Amniga Dalka, awoodna u siinaya mudnaanta Dowlad-dhisidda, ka qayb qaadashada howlgalada ka hortagga argagixisanimada, iyo mudnaanta kale.

Dhanka kale @AUC_PAPS waxay si adag u taageertay codsigii ka yimid Dowlada Federaalka Somalia ee 16 May 2024 iyo 17 May 2024 ee ahaa in qaab waji leh loo wajaho Wajiga 3aad ee ATMIS, iyadoo 4000 oo shaqaale ah loo qaybiyay laba qaybood, kuwaas oo kala ah 2000 dhamaadka June 2024 iyo 2000 dhamaadka September 2024.

Wararka ayaa sheegaya in CONOPs waa in la qabtaa ka hor dhamaadka bisha Luulyo si loo go’aamiyo waajibaadka iyo qaabaynta hawlgalka cusub, xuuraano la helay ayaa daaha ka roogaaya in Ciidamada Ethiopia aysan qeyb ka noqon doonin Ciidamada AU-da ee cusub.

332710cookie-checkMa Dhabaa in Golaha Nabada & Amaanka AU-da uu Taageeray in la Dhiso Howlgal Ciidamo Cusub..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *