Dagaal Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Degaanada Soomaalida

Somalia news

Dagaal la isku adeegsaday hubka fudud oo dhex marey Soomaalida iyo Booranta ku dhaqan xuduudda gobollada Wajeer iyo Gaarisa ee dalka Kenya ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen toddoba qof, Labadaan Qowmiyadood ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay Gobolka iyagoo iska dilay tiro dad rayid ah….

Sida ay xaqiijiyeen laamaha Amaanka Kenya ilaa 7 ruux ayaa ku dhintay dagaalkaan oo ka dhacay inta u dhaxeysa Degaanada Gaarisa iyo Wajeer, Maamulka gobolka ayaa sheegay in ay siweyn isugu howlanayaan daminta coladaan oo muddo dheerba soo jiimateysay, hase yeeshee marnaba aan laga maarmin in dowladdu arintan soo faragaliso.

Mas’uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in ay xaaladda ka xun tahay sida loo maleynaauo, sidaa darteed waxaa ay ugu baaqeen dowladda in sida ugu dhaqsiyaha badan xaalada u soo faragaliso.

85820cookie-checkDagaal Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Degaanada Soomaalida