Hogaanka Siyaasada Ethiopia oo Lagu Eedeyay in Siyaasad Fashil ah Dalkiisa Burbur ugu Horseeday

Africa News

Dalka Ethiopia oo Sanadihii ugu dambeeyay ay ka dhacaayeen dagaalo sokeeye oo khasaare badan geystay, ayaa xiligaan u muuqda Dal burbur qarka u saaran, kadob markii Hogaankiisa Siyaasada, midka Ciidamada & Sirdoonkaba ay xakameyn waayeeen qulqulatooyinka ku habsaday…

Iyadoo Hogaanka Siyaasada lagu eedeeyay inuu dalka ku hogaamiyay Istratejitada siyaasaadeed oo fashil ah, Wuxuu dagaalo ku qaaday Gobolka Tigreega, sidoo kale, wuxuu xoog u adeegsaday Maleeshiyaad hubeysan oo dagaalo hoose waday Gobolada Oromada, sidoo kale Wuxuu weerary Maleeshiyaad ka soo jeeda Gobolka Amxaarada.

Wuxuu Ciidamo u adeegsaday Dhul la sheegay iney leedahay Dalka Suudan (Fashaqa), xiligaan waxaa dagaalo ka socdaan Gobolada Somalida Ethiopia, iyadoo markii ugu horeysay muddo sanooyin ay kooxda argagixisada Shababka ka talabaan Xuduuda Somalia & Ethiopia dagaalana ku qaadan gudaha Ethiopia.

Iyadoo muddo todobaad ah ay Dagaalka ay kula jiraan kooxda Shababka ay wadeen Ciidamada degaanka Soomaalida, Waxaa haatan kusoo biiray Ciidamada Ethiopia oo bilowgii dagaalka dusha un ka daawanayay, iyagoo Ciidamada Ethiopia loo kala diray dhinaca xadka labada dal, iyo waliba goobaha haatan looga shaki qabo inay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan kooxda Al Shabaabka.

203800cookie-checkHogaanka Siyaasada Ethiopia oo Lagu Eedeyay in Siyaasad Fashil ah Dalkiisa Burbur ugu Horseeday