Dowladda Federaalka ilaa Intee Ximili kartaa Safarada Dibada Madaxda Dalka..

Somalia news

Dalka Somalia ayaa u muuqda dal ka soo kabanaya diiftii colaadaha iyo dagaalada sokeeye, inkastoo weli saluug laga qabo Garabyada Siyaasada xiligaan kasoo muuqda, waxaase dhamaan qeybaha kale ee noloshuna waxey si la taaban karo uga muuqanaya isbedelka iyo soo kabashada…

Inkastoo Sawirka guud marka aad eegto rajo wanaagsan ayaa muuqaneysa, waxaase qarsoon in dhamaan kaabayaasha noloshu yihiin kuwo liita oo aan u diyaarsaneyn ka qeyb noqoshada helista xal waara oo laga gaaro dhibaatooyinka la dagay Dalka ee dhinacyada Siyaasada, Amniga, Dhaqan/dhaqaalaha, Adeega iyo Buulshadaba.

Ku darsoo waxaa gaabis ku socda Adeegyada ay bixiyaan Laamaha Dowlada, kuwaasoo Mas’uuliyiinta Xafiisyada ee lagu soo xusho nin jecleysi, waxeyna isbaarooyin u dhigtaan Muwaadiniinta sida fududeynta Dukumintiyada arrimaha safarka, Amniga iyo bixinta ruqsadaha Ganacsiga, Taargooyinka Gaadiidka iyo shaqo bixinta. Waa ay jiraan adeegyo kale mase gaarsiisna heer bulshadu dareento oo ay ku tashato, Mid ka mid ah sababaha aysan u bixin karin adeegyada laga sugayo waa in ilo dakhli oo aad u badan aysan dowladdu adeegsan kuwaasoo ay ahayd in  dakhli badani dowladda uga soo xaroodo.

Marka aad dib u milicsato Sanadkan 2023 miisaaniyadda Dowladdu waa $977.2M, dakhliga guduhuna waa in ka yar 30%, ($283.3m) halka in ka badan70% miisaaniyadda dowladdu ka timaaddo kaalamada Caalamka. 30.2% ($295.1M) miisaaniyaddu waxa ay ku baxdaa mushaarka shaqaalaha dowladda, sida muuqatana dakhliga guduhu xitaa kuma filna mushaarka shaqaalaha dowladda iskaba daa mashaariic iyo horumar kale’e.

Muwaadiniinta Dowladda u shaqeeya heer Federal iyo dowlad-goboleed ee dalka dibaddiisa degen ama u nasasho doonta waxaa ugu horreeya; Wasiirrada, Xildhibaannada, Lataliye-yaasha, Agaasimayaasha, Saraakiisha ciidamada ka iyo Madaxda Maamulada, Madaxweynaha Dalka ayaa muddo ka yar hal sano 20-jeer wuxuu safaro aan micmo badan soo kordhineynin ugu baxaa Dalka dibadiisa, isagoo safarkiiba sii qaata 300-Kun US$ ah lagu sheego sahay safar. Waxaana muuqata in qofka asiga oo dalka degen xil dowladeed loo magacaabo uu markiiba ka fekero halka uu u guuri doono, magaalooyinka Nairobi, Addis abeba, Djibouti mise Istanbuul.

254890cookie-checkDowladda Federaalka ilaa Intee Ximili kartaa Safarada Dibada Madaxda Dalka..