Share the post "Ma Dhabaa in Hey’adaha Sirdoonada Israel iyo UEA ay Dhageystaan Mareegtooyinka & Talefoonada Somaliland.."
Agaasimaha hore ee Sirdoonka Somaliland, Mustaf Bacaluul, ayaa shaaca ka qaaday in la hirgeliyeen Software & malware ah kuwaasoo awood u siinaya la socodka wada sheekeysiga Isgaadhsiinta (Talefonada) iyo kuwo Baraha Bulshada oo ay ku jirtaan Tiktok, Snspchat, Facebook, X iyo WhatsApp-ka Dadka degan Somaliland…
Talaabooyinkaan sharci darrada ah ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaanahan laga walaacsanaa xad-gudubyo dhanka amaanka ah ee Baraha Bulshada oo ay ku lug leeyihiin WhatsApp-ka Hey’adaha Sirdoonada Imaaraadka iyo Israa’iil, Sidoo kale, Somaliland oo loo aqoonsan yahay maamul ka tirsan Somalia, ayaa caado u ah inay ka hortagto kooxaha ka soo horjeeda Maamulka, waxaana tusaale u ah xariga gabar Abaheed Avwaan yahay oo dhawaan Hargeysa lagu xiray, taasoo ka soo degtay diyaarada Ethiopian Airlines.
Hadda, Mareegtada @Meta ayaa waxey wajaheysaa su’aalo ku saabsan kalsoonida qabka sirta ah Qofka oo ay ku jiraan habka gaarka ah ee la baarayo, Waxay kaalmo ka helaan Sirdoonnada Caalamiga ah sida UAE, Israel, China, Russia iyo USA, waxey ku sameeyaan Somalia oo dhan runtii waa ficil aad looga naxo inuu qirto Agaasimahaan.