Turkish Airlines Oo Hakisay Duulimaadyadii Mogadishu-Istanbul

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa in Shirkada duulimaadyada Turkish airlines ay shalay ku dhawaaqday inay joojisey duulimaadyadeeda kadib culeys dhanka shidaalka oo ka jira garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho…

Qoraal ay saxaafada ugu talo gashay ayeey ku sheegtay in laga bilaabo 19-ka May ilaa 28 may aysan wax duulimaad ah kasameyn doonin garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxeyna ku sababeysay baahi dhanka shidaalka ah oo xiligaan ka taagan haamaha keydka shidaalka diyaaradaha.

10-ka maalmood ee hakadkaasi jiri doonto ayaa waxaa lagu wargeliyay dad kasoo safri lahaa Istanbul Turkiga iyo kuwo ka bixi lahaa Muqdisho oo usocday istanbul iyadoo lasoo sheegayo arday iyo dad caafimaad usocday xanibaadaasi ay saameyn ku yeelan doonto.

189430cookie-checkTurkish Airlines Oo Hakisay Duulimaadyadii Mogadishu-Istanbul