Ma Dhabaa in Ethiopia & Somalia ay isku Afgarteen in la Bedelo Madaxweynaha Jubbaland

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Xasan Sheekh iyo Abiy-ga Ethiopia ay ku heshiiyeen in isbedel lagu sameeyo Hogaanka Jubbaland, iyagoo qiray in Degaanada Gobolka Gedo ay ku qancaayaan yihiin in Axmed Madoobe lagu bedelo Muwaadin kale Soomaali ah degaanka u dhashay…

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Sirdoonka iyo Ciidamada Ethiopia ay soo jeediyeen in Siyaasiga ay taageersan yihiin loo xulo Jubaland hogaaminteeda waa si Dekada Kismaayo ugula shirkoobaan Dalka UAE, waxaase ganafka ku dhuftay Xasan Sheekh.

Villa Somalia ayaa la sheegay in xubin ka tirsan Xisbigooda kaasoo ah Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag” ay u xuleen inuu Hogaamiyo Jubbaland, waana sababta uu Maamulka Jubbland u soo saaray qoraal ay ku sheegeen iney xasaanada kala laabteen Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Farataag) iyo Senator Iftiin Xassan Baasto oo ka wada tirsan Golaha Aqalka Sare ee Somalia.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaaya in Somalia & Ethiopia ay isla meel dhigeen in Sanadka 2024 -ka ay Ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah hawlgalka la dagaalanka argagixisada ay xoreeyeen Gobolka Jubada Dhexe iyo Xaruntiisa Degmada Bu’aale halkaasina lagu qabto Doorashadii Madaxweynaha Jubaland.

Heshiiskaan ayaa ln lagla tashay Dowladda Kenya oo aad u taageersan Axmed Madoobe, waxaana la yaabaa in Carqaladeyso Heshiiskaasi iyadoo adeegsaneysa Beesha Axmed Madoobe. isla markaasna ugu yaraan diido iney qeyb ka noqoto Ciidamada loo qorsheeyay iney Xoreeyaan Gobolka Jubada Dhexe.

251060cookie-checkMa Dhabaa in Ethiopia & Somalia ay isku Afgarteen in la Bedelo Madaxweynaha Jubbaland