Ma Dhabaa in Gudoomiyaha Baarlamaanka S/Land oo is casilaya iyo loolan ku bilaawday Kursigiisa.

Somalia news

ilo wareedyo loo qaateen ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in dhinacyo kala duwan ee Siyaasada ay culeys ku saarayaan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo ah Mas’uulkii ugu mansab sareeyey ee kasoo jeeda Gobalka Sool, kuna jiray Somaliland uu iska casilo xilkaasi…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in sababta uu isku casilayo Gudoomiyaha ay la xariirto Dagaalka magaalada Laascaanood, kaasoo uu horey Xoogaga Beesha Isaaq ku eedeeyey iney Xasuuq Shacabi iyo Barakacin ka wadaan, Amarkaasina uu leeyahay Madaxweyne Muuse Biixi, wararku waxey dheegeen Mr, Cabdirisaaq Khaliif lagu wado in saacadaha soo socda qaban doona shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo sababaha Iscasilaada iyo xaqiiqada Dagaalka Laascaanood.

Dhinaca kale sida Xogtu tilmaamaya in Dhinacyada Siyaasadda Somaliland ee mucaarad iyo Muxaafidka, waxay durba bilaabeen ku loolanka jagadan, oo uu mid walbo doonayo in uu isaga hanto, Ila wareedyo ayaa inoo sheegay, in dhinacyada qaarkood xilkaan banaanaan doona ay la doonayaan in loo xusho Mr.Faratoon oo horey looga guuleystay.

Dagaalka Laascaanood waxay Siyaasiyiinta iyo Xoogaga Amaanka Somaliland ku waayeen Saraakiil iyo Ciidamo oo Hormuud u ahaa Howlgalkaan halka kuwo kale ay Isbitaalada u jiifaan waxaase kasii daran Lumista qadiyadii 33-sano loo halgamaayay oo meel cidla ah looga tagay.

260300cookie-checkMa Dhabaa in Gudoomiyaha Baarlamaanka S/Land oo is casilaya iyo loolan ku bilaawday Kursigiisa.