Ma Dhabaa in Hogaankii Boliiska uu Tahribayaal si Sharci darro ah ugu Qaaday Iney Simnaaro ku Soo Qaataan Dalka Dibadiisa…

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaayay Fadeexad hareysay Taliyihii Boliiska ee shalay Xilka laga qaaday loona Magacaabay Wasiir Kuxigeen (Mr.Sulub Axmed) kaasoo bishii tagtay Ergo Boliis ah uu Hogaaminaayo Shir kaga qeyb gashay Xarunta Boliiska Caalamiga ah ee Magaalada Paris ee Dalka France…

Xogtaan ayaa xaqiijineysa in xubno ka tirsan & kuwo bug ah oo aan ka tirsaneyn Boliiska Soomaaliya oo Bishii August ee sanadkaan Siminaar/tababar loogu soo xiray xarunta Hey’adda Xiriirka Caalamiga ah ee Boliiska Aduunka INTERPOL oo fadhineedu yahay magaalada Paris ee Dalka France, ayaan dib ugu soo laaban Magaalada Muqdisho, maadaama ay dhamaantood magangelyo ka doonayaan Yurub.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyihii hore ee Boliiska uu liiska ku daray Wiil uu Abti u yahay magaciisana lagu soo koobay Cabdifitaax kaasoo maalmo ka hor safarka u geliyay Dharka Boliiska isla markaasna sawir kaga qaaday isagoo booqanaaya saldhig Boliis oo ku yaal magaalada Mogadishu, iyadoo Wiilkaan la sheegay inuu iska dhiibay Dalka France.

344650cookie-checkMa Dhabaa in Hogaankii Boliiska uu Tahribayaal si Sharci darro ah ugu Qaaday Iney Simnaaro ku Soo Qaataan Dalka Dibadiisa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *