Maxaa Ka Run ah in Xasan Sheekh & Axmed Madoobe ay Heshiis hordhac ah ka gaareen Taliska 43-aad

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Heshiis hoose oo hordhac ah ay gaareen Madaxweynaha Somalia iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, isfahamkaan qarsoodiga ah ayaa ah Taliyaha Ciidamada Qeybta 43-aad ee Xoogga Dalka oo uu aad u diidanaa Madaxda Jubbaland…

Sida ay muujinayaan ilo wareedyadaan Heshiiskaan oo daaha gadaashiisa lagu gaaray ayaa waxaa fududeeyay Wasiirka 1-aad iyo Mas’uuliyiin kale, Maamulka Jubbaland ayaa muddo dheer (9-sano) ka biyo diidaneyd qaabka loo wajahaayo Xaaladaha iyo dhismaha Ciidamada Qeybta kor ku xusan, iyadoo uusan jirin wax heshiis lagu hayay.

Mr.Madoobe ayaa Doodiisu aheyd in laga talo geliyo Sarkaalka loo magacaabaayo Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Hubka ay helayaan, Howlgalada ay ka fulinayaan Degaanada Jubbaland, Hubka iyo Gunnooyinka, iyadoo Heshiiskaan uu horseeday in Taliyaha Ciidamada Qeybtaan Gen.Cali Bagmadow uu gaaro magaalada Kismaayo 5-sano kadib.

Taliyahaan oo sanadkii 2019-kii uu Farmaajo magacaabay balse uu garoonka magaalada Kismaayo ka soo celiyay Axmed Madoobe ayaa haatan gaaray magaalada xilli Ciidamadan Qeybtaan ay wajahayaan Ciidamo yari, Hub, Saanad iyo Gadiid la’aan, iyadoo qorshuhu yahay in dib loo abaabulo lana hubeeyo isla markaasna ay ka qeyb qaataan dagaalada lagu xoreynaayo Xarunta Dowlad goboleedka Jubbaland oo ay Shababku heystaan.

225730cookie-checkMaxaa Ka Run ah in Xasan Sheekh & Axmed Madoobe ay Heshiis hordhac ah ka gaareen Taliska 43-aad
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com