Qarax ka dhacay Degaanka Bacaadweyn.

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa saakay waabirigii hore lagu qaaday Fariisin Ciidamada Dowlada kaga sugnaayeen degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug….

Wararku ayaa sheegaya Gaari noociisu yahay Layla-Calaawi oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay afaafka hore ee saldhiga Ciidanka gaar ahaan qeybta 21-aad ka degan yihiin Degaanka Bacaadweyn.

Guddoomiyaha Bacaadweyn Axmed Daahir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarka ismiidaaminta ah ay ku dhinteen labo askari oo joogay kootaroolka saldhiga laga galo iyo sidoo kale dadkii gaariga qarxay saarnaa.

Taliska Ciidamada gaar ahaan qeybta 21-aad ayaan wali ka hadlin qaraxan saakay ka dhacay deegaanka Bacaadweyn, waxaana qaraxan uu imaanayaa xili Ciidamada gobolka Mudug ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo.

43040cookie-checkQarax ka dhacay Degaanka Bacaadweyn.