Ma Dhabaa in Horjoogayaal ka kala Tirsan kooxaha Argagixisada Shababka & Daacishta ay Kulan Yeesheen…

Somalia news

Macluumaad sirdoon ayaa si hordhac ah looga helayaa kulan qarsoodi oo ay wada yeesheen Horjoogayaal ka kala tirsan kooxaha Argagixisada Shababka Daacishta, kulankaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Jubada dhexe waxaana lagu lafa guray qodobo dhowr…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Todobaadkii koowaad ee bisha June, laba Horjooge oo ka kala tirsan kooxda Argagixisada Shabaabka (Horjooge Xuseen Fiidow) Horjoogaha Maamulka Gobolada iyo Horgale Yahya Ashmari oo u dhashay Dalka Kuweyt ka tirsan kooxda Daacish ayaa ku kulmay Degmada Kuunyo Barrow ee gudaheeda, Kulankaan ayaa diirada lagu saaray joojinta Colaada u dhaxeysa Shababka iyo Daacishta ee Degaanada Puntland & sidii uu Iskaashi u dhex mari lahaa.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa iney meel iska dhigaan khilaafaadkooda oo ay u midoobaan cadiwgooda Dowlada Federaalka, isla markaasna wada yegleeyaan hal Ciidan. Iyo calan cusub si Dalka Iran uga raadsadaan taageero Hub, Saad & Dhaqaale lagu howlgalo, iyadoo Horjooge Fiidow uu u sheegay Nuxurka wada hadalka uu horgeyn doono Horjoogaha Kooxda iyo Kuxigeenadiisa kadibna jaawab ku soo celin doono.

Khabiirada ku xerl dheer arrimaha Kooxaha Argagixisada ayaa dul istaagay in kulanada noocaan oo kale ay khatar ku yihiin Amniga iyo Xasilooniada Gobolka, ku darsoo ku lug lahaanshaha suurtagalka ah ee Dalka Iran ay xalaada ka sii dari karto, taasoo kor u qaaday walaaca ku saabsan faafitaanka saameynta Iran ee Gobolka.

Waa la arki doonaa natiijada ka soo baxda wada xaajoodyadan iyo wada shaqaynta dhexmari karta Shabaabka iyo Daacish, Si kastaba ha ahaatee, hal shay ayaa iska cad xaaladda Somalia waa mid cakiran oo aan deganayn, iyadoo laga yaabo inay saameyn ballaaran ku yeelato amaanka gobolka iyo kan Caalamka.

332150cookie-checkMa Dhabaa in Horjoogayaal ka kala Tirsan kooxaha Argagixisada Shababka & Daacishta ay Kulan Yeesheen…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *