Xasan Sheekh oo Dooxa kula kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee Farmaajo, Labada Mas’uul ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha Amaanka…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii Hore ee dalka, dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee Al-shabaab lagu cirib tirayo.

Madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo oo degaanka laga siiyay Caasimada ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku boggaadiyay mudnaanta gaarka ah ee uu siiyay howlgallada xoreynta ee ka socda dalka, wuxuuna u rajeeyay inuu guulo ka gaaro Howlgalada kooxda argagixisada.

245490cookie-checkXasan Sheekh oo Dooxa kula kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo