Xoogaga Amaanka oo Wadooyinka Caasimada oo Maanta u Xiray Xuska 1-da Luulyo..

Somalia news

Hey’adaha Amaanka ayaa Saakay xiray maadaama Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho lagu qabanayo Munaasabad lagu maamuusayo 63 sano guurada kasoo wareegtay markii xorriyada ay qaateen Gobollada Konfurta Dalka ahna Israaca Konfur iyo Waqooyiga Dalka…

Iyadoo Ciidamada Diwladda ayaa ka xayiray Gaadiidka noocyadiisa kala duwan Waddooyinka Warshada, Soddonka, Wadnaha iyo Makka Al-Mukarrama sabab la xiriirta Madaxda Dowladda oo maraya waddooyinkaas si ay u tagaan Garoonka Cayaaraha Muqdisho oo lagu maamuusayo Munaasabadda 1da Luulyo.

Xaafadaha qaarkood xitaa waxaa dib loo celinayaa Dadka lugeynaya ee u socda Goobaha Waxbarasho iyo kuwa Shaqada waxaana ay wareeg dheer usoo marayaan waddooyinka u fudud iyadoo ay xitaa suuragal tahay in waddooyinkaas markale ciidamo kale oo jooga ay dib u celiyaan.

Dhanka kale, magaalada Muqdisho oo saakay Roob waqti badan ka da’ayay Degmooyinka qaar ka da’ay ayaa biyo dhigay waddooyinka qaar ee Caasimadda, Gaadiidka iyo Dadka qaar waxaa ku adkaaday in ay ku dhex socdaan Roobkaas da’aya maadaama ay xiran yihiin Wadooyinka oo aanay jirin Gaadiid ama mootooyin ay raacaan.

263530cookie-checkXoogaga Amaanka oo Wadooyinka Caasimada oo Maanta u Xiray Xuska 1-da Luulyo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com