Ma Dhabaa In Ikraan Loo Gacan geliyay Kooxda Shababka

Somalia news

Warar is Khilaafsan ayaa laga helayaa Maqnaanshaha Gabadha Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd Hey’adda NISA muddo gaaban Tababaro loogu qaaday Dalka UK, iyadoo lagu Eedeeyay Hogaanka NISA iney ku lug leeyihiin Afduubka Gabadhaan…

Xogtaan la helay ayaa sheegeysa in xubno ka tirsan NISA ay shirqooleen Ikraan, islamarkaana u gacan geliyeen Kooxda argagixisada Shabaabka, Ma cadda weli haddii NISA ay ogaatay xubnahaas, iyo tallaabada laga qaaday haddii la aqoonsaday.

Dhanka kale, Hooyada dhashay Ikraan oo la hadashay Barnaamijka Bandhiga VOA-da ayaa u sheegtay inaysan aaminsaneyn in Kooxda Shababka ay afduubteen Gabadheeda Ikraan Tahliil, inkastoo sidaas ay u sheegeen saraakiil, waxaana tuhun badan uu ku xeeran yahay muddo 2-bilood oo ay Hogaanka NISA aysan ka hadlin Xaalada Gabadhaan.

138530cookie-checkMa Dhabaa In Ikraan Loo Gacan geliyay Kooxda Shababka