Diblomaasiyiin Kenyan Ah Oo Gaaray Magaalada Hargeysa

Somalia news

Kadib Heshiiskii ku dhex maray Magaalada Nairobi Uhuruu Kenyatta iyo Muuse Biixi, kaasoo dhigayay in Xafiis Qunsuliyadeed ay Kenya ka furato Magaalada Hargeysa isla markaasna ay Diyaarada Kenya Airways ay Duulimaadyo ku tagto, si loo xoojiyo xiriirka is dhex galka labada dhinac…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news Wakiilka Kenya ee degaanada Waqooyiga Somalia (Somaliland) iyo xubno la socda ay gaareen Magaalada Hargeysa, iyagoo durbadiiba kulamo qarsoodi ah la Qaatay Madaxweyne Muuse Biixi inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin, sidoo kale waxaa la filayaa in Ergadaan Kenyanka ah ay bilaabaan Howlaha loo igmaday.

Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in la hekiyay Duulimaadyada Kenya Airways ay ku tegi laheyd Magaalada Hargeysa, sababo la xiriira oggolaasho La’aan dhanka Dowladda Federaalka, iyadoo la sheegay in markii uu tagay Magaalada Nairobi Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka lagu soo qaaday inuu oggolaado in Duulimaadyada Diyaaradaha Kenya ku tagaan degaanada Somaliland, talaabadaan uu ka gaabsaday inuu oggolaado.

138500cookie-checkDiblomaasiyiin Kenyan Ah Oo Gaaray Magaalada Hargeysa