Xog:- Dani Oo Isbedel Ku Sameynaaya Hey’adaha Amaanka Puntland

Somalia news

Sida ay sheegayaan xogo loo qaateen ah oo ku dhow Xafiiska Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lagu wadaa inuu magacaabo saacadaha soo socda Taliyaha Ciidanka Boliiska Puntland iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Puntland ee PISA…

Wararka ayaa sheegay in Madaxtooyada Puntland ay diyaarisay Wareegtooyinkii lagu magacaabi lahaa Saraakiishaan, oo lagu soo xulay Daacdnimadooda Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa loo magacaabayaa G/Sare Muumin Cabdi Shire, oo hadda ah Taliyaha Qeybta Boliiska gobolka Mudug.

Halka Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka ee PISA ayaa la sheegay in loo xushay Sarkaal lagu magacaabo ‘Cabdinaasir Cabdulle’, kaas oo muddo dheer ka tirsanaa sirdoonka Puntland, ka soo shaqeeyay tiro Hoggaano kala duwan oo Hay’adda dhexdeeda ah.

Deni ayaa habeeno hore si kadis u booqday xarunta Hay’adda Sirdoonka, isagoo kulan la qaatay Saraakiisha, kuwaasoo la wadaagay labo caqabadood oo hareeyay Hey’adda PISA “Maamul xumo iyo dhaqaale la,aan”. Madaxweynaha Puntland ayaana daqiiqado kadib shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda iyo labadiisii kuxigeen.

212830cookie-checkXog:- Dani Oo Isbedel Ku Sameynaaya Hey’adaha Amaanka Puntland