Ma Dhabaa in Isku Shandheyn Lagu Sameynaayo Golaha Wasiirada & Taliska NISA..

Domestic News Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Jahwareer iyo buuq ka taagan Xafiiska Hogaanka Fashilmay ee Madaxtooyada, iyadoo la sheegaayo in Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooada & Agaasimaha Hey’adda NISA xilalka laga xayuubin doono isla markaasna kuwo kale lagu bedeli doono..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo horey xilkaasi u qalqaaliyay Mr.Xasan Cali Kheyre ayaa haatan la sheegay in qalalaasihii uu ka abuuray Magaalada Baydhabo uu xilka ku weyn doono, iyadoo lagu bedeli doono Xubin uu wato Madaxweynaha Konfur galbeed, isbedeladaan ayaa macno weyn ku dhisneyn bacdamaa uu Xasan Sheekh ku fashilmay xilka loo igmaday & dagaalka kooxda argagixisada shababka.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mr.Abshir Bukgaati lagu bedeli doono Danjiraha Somalia u fadhiya Sacuudiga Mr.Aweys Xaaji Yuusuf, Halka Agaasimaha Hey’adda NISA Cabdulaahi Sanbaloolshe lagu qanciyay in loo sharaxo Madaxweynaha Hirshabelle Booskiisana waxaa loo magacaabi doonaa Mahad Salaad kulanka gaarka ah ee Golaha Wasiirada la filaayo inuu qabsoomo berito.

374710cookie-checkMa Dhabaa in Isku Shandheyn Lagu Sameynaayo Golaha Wasiirada & Taliska NISA..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *