Qeybta Waxbarashada Puntland Oo Eedeymo u jeedisay Galmudug

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa eedeymo culus oo ay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland u jeediyeen Maamulka Waxbarashada ee Galmudug, waxeyna farta ku godeen iney masuul ka tahay (Galmudug) qorshe ardayda kasoo jeeda Waqooyiga Gaalkacyo ay ka cararaan Dugsiyada Sare ee ku yaalla Waqooyiga magaalada ayna maamusho Wasaaraddu…

Wararka ayaa sheegay in Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan uu shalay hortagay Baarlamaanka Puntland, wuxuuna xusay in Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ay sabab u tahay in Ardaydu ka qaxaan Dugsiyada dhanka Puntland, maadama waxbarashada dugsiyada dhanka Galmudug laga bood-boodo fasalada sare, sida hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa sheegay in wadaan qorshe wax looga qabanayo inay Ardaydu ka cararaan Dugsiyada sare ee Waqooyiga, iyadoo xoguhu tilmaamaya in Ardayda kasoo jeeda Waqooyiga Magaalada ay xiliyadii ugu dambeeyay ka baxaadaan Maamulada xumida Dugsiyada sare ee ku habsatay, waxeyna ka doorbidaan iney isku soo qoraan Dugsiyada Konfurta Magaalada.

201070cookie-checkQeybta Waxbarashada Puntland Oo Eedeymo u jeedisay Galmudug