Tiro Qaraxyo ah Oo Dheemish u badan ayaa Caawa Lagu Weeraray Degmooyin ka tirsan Gobolka Benaadir…

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa tiro Qaraxyo ah oo lagu bartilmaameedsaday isgoyska Dabka oo ku dhow Saldhigga Boliiska Degmada Waaberi kaasoo noociisu lagu sheegay Miino la dhigay wadada hareeraheeda, waxeyna miinadu ku jirtay Bac-Madow sida ay sheegeen Goobjoogayaal…

Wararka ayaa sheegay in Qaraxa 2-aad ayaa la sheegay in la dhigay Meher Ganacsi oo Macmacaanka iyo Jalaatada (ice-cream), iyadoo lagu wargeliyay Xoogaga Amaanka oo aagaasi xiray, kadibna waxaa loo yeeray Khubarada Miinooyinka Boliiska inkastoo ay miinadaasi qaraxday ka hor inta aan la qarxin.

Sidoo kale, Degmooyinka Yaaqshiid iyo Boondheere ayaa sidoo kale la sheegay inay qaraxyo ka dhaceen, iyadoo Nin looga shakiaan yahay inuu ka tirsan yahay Kooxda Argagixisada ayaa ku dhintay Bac qarax lagu soo qariyay waxaana la dhintay 3-Caruur oo uu dhalay halka Hooyadii dhashay caruurtaasi ay dhaawac culus ka soo gaareen qaraxaasi.

323740cookie-checkTiro Qaraxyo ah Oo Dheemish u badan ayaa Caawa Lagu Weeraray Degmooyin ka tirsan Gobolka Benaadir…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *