Ma Dhabaa In Kenya Airways Ay Duulimaadyo Ku Tageyso Hargeysa

Somalia news

Xiisadaha xargo goostay ee u dhaxeeya Maamulada Kenya & Somalia ayaa la sheegay inuu gaaray heerkii ugu hooseeyay mudooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo dhaqdhaqaaqa Ciidamo laga dareemay Xuduuda u dhaxeysa labada dal (Mandheera)….

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somalia ayaa ku Eedeeyay Dowladda Kenya iney si deg deg ah u joojiyaan faragelinta iyo Saameynta Saraakiisha Sirdoonka iyo Ciidamada Kenya Ee ku sugan Somalia, iyagoo ku Eedeeyay iney faraha kula jiraan Arrimaha gudaha ee Somalia.

Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa Ku Eedeysay Somalia iney dhaqdhaqaaqyo hubeysan ay ka wadaan gudaha iyo daafaha Magaalada Mandheera, waxeyna u soo jeediyeen iney joojiyaan Maleeshiyaad hubeysan uu u dirayaan gudaha Kenya.

Sidoo kale Kenya ayaa dalkeeda Ku martiqaaday Madaxweynaha Maamulka Somaliland, waxeyna ku heshiiyeen Heshiis ka kooban 10-Qodob oo ay ka mid yihiin in Bartamaha Bisha Maarso 2021 ay Diyaaradaha Kenya Airways ay duulimaad toos ah ku tegi doonto Magaalada Hargeysa, sidoo Waxey kala saxiixdeen in Marsooyinka Berbera Mombasa la isku furi doono si shixnadaha Ganacsi Ee ay isku dhaafaadaan.

Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa in xafiis Heer Qunsiliyad ka furato Magaalada Hargeysa dhowaan, iyadoo Wakiilka Maamulka Somaliland Ee Magaalada Nairobi heerkiisa Sare loo qaadi doono.

79360cookie-checkMa Dhabaa In Kenya Airways Ay Duulimaadyo Ku Tageyso Hargeysa