Beeraleyda Qaadka Kenya Oo Cabasho Soo Saaray

Somalia news

Waxaa isa soo taraaya cabasha ay qabaan Ganacsatada beeraleyda qaadka ee Kenya, iyagoo qeyla dhaan ka muujiyay khasaare xoogan oo kasoo gaaray xayiraada ay Dowlada kusoo rogtay duulimaadyada Qaadka ee ka imaan jiray dalka Kenya sababo la xiriira badqabka caafimaad ee shacabka inta ay xaalada COVID-19….

Ganacsatada gobolka Miraa ee kasoo go’a qaadka loo soo dhoofiyo Somalia ayaa fariin ay saxaafadda u mariyeen Madaxweynaha Kenya, waxay u sheegeen in keydkii ay haysteen uu ka dhamaaday, isla markaasna ay Soo food saartay Dhaqaale yar baahaan.

Waxay ka codsadeen inuu xiriir deg deg ah uu la sameeyo Dowlada Federaalka si loo furo duuliyaadyada, xayiraadana laga qaado ganacsigooda, Baaqaada ayeey u dhiibeen Xildhibaano, Siyaasiyiinta iyo Xubno kale.

Beeraleyda ka soo jeeda Nyambene ee Gobolka Meru, waxay aad uga soo go’a beerahooda qaadka Soomaaliya loo dhoofiyo ee nooca loo yaqaan Grade iyo Kiza iyo noocyo kala duwan oo si gaar ah loogu talagalay suuqa Somalia.

46410cookie-checkBeeraleyda Qaadka Kenya Oo Cabasho Soo Saaray