Ciidamada Kenya Oo Duqeyn Ka Fuliyay Degmada Badhaadhe

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Howlgalo ay Ciidamada Cirka ee Kenya ay weerar duqaymo ah loona adeegsadey diyaarado ku qaadeen degmada Badhaadhe iyo daafaheeda ee Gobolka Jubbada hoose kadib markii lagu soo sheegay maleeshiyaad ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka….

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntani lala beegsaday degaan 10KM u jirta magaalada Badhaadho oo lagu magacaabo Baciid Hollat, halka  Gantaalada kale ay Kadhaceen Agagaarka Ceelka Magaalada ka cabto iyo Tulada Jilaa oo Qiyaastii Magaalada u Jirta 30 km taas Oo Dhacda Dhanka Waqooyi.

Dadka Degaanka ayaa xaqiijiyey in duqeyntaan ay waxyeelo gaarsiiyeen Dad iyo Duur joog, iyagoona  Cabasho xoogan ka muujiye Duqeyntaan aan Loo meeldayin ee ay Fulinayaan Diyaaradaha Dagaalka ee Ciidamada Cirka Kenya.

Ma ahan markii ugu horraysay ee diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay duqaymo ka geystaan degmada Badhaadhe iyo Degaanada hoosyimaada, waxaana inta badan duqaymaha ay fuliyaan diyaaradaha Dagaalka ah ku waxyeelooba dadka rayidka ah.

84000cookie-checkCiidamada Kenya Oo Duqeyn Ka Fuliyay Degmada Badhaadhe