Ma Dhabaa in Khasaaraha Ciidamada Dowlada ka soo Gaaraya Dagaalka Shababka ay Kordheen..

Somalia news

intii uu xilka hayay Xasan Sheekh, waxaa soo shaac baxaayay naqdin xoogan iyo cabasho laga keenay nidaamka iyo siyaasada dagaal gelinta ee Villa Somalia ay horseeday in khasaare balaaran soo gaaraan Ciidamada Dowlada iyo Qalabkooda ayna ugu wacan tahay Maamul iyo Istraateejiyad xumo Dhanka Dagaal Gelinta iyo Saraakiisha howlahaasi u xil saaran…

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in khasaare Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa sida khaaska u tababaran ee Guutooyinka Danab iyo Gorgor ay kor u dhaafayaan 4600 oo Askari, iyadoo aysan tiradaani ku jirin Xoogaga Hubeysan ee Degaanada ee dagaalada kula jira kooxda argagixisada Shababka, khasaarahaan ayaa ka dhacay degaanada Galmudug iyo Hirshabelle, khasaarahaan ayaa laga baaqsan kariy hadii Nidaamka Dagaal gelinta Ciidamada Dowlada dib loo sixi lahaa.

Khubarada arrimaha Ciidamada ayaa welwel ka muujiyeen tirada dhimashada ee Ciidamada Dowlada ee dii kordheysa, waxeyna ku baaqeen in isbedel lagu sameeyo Hogaanada Wasaarada, La-taliyaha Amniga Madaxyooyada, Taliyaha Ciidamada iyo Howlgelinta Ciidamada, kooxdaan oo ku fashilmay iney la yimaadaan istraateejitad cad oo lagu wiiqi karo kooxda Argagixisada, isla markaasna loo baahan yahay in helo Qalab Dagaal, Tababaro tayadoodu sareyso iyo Xuuraan si loo yareeyo dhimashada iyo dhaawacyada xadka baxa ah.

Kooxda Shababka ayaa haatan u muuqda iney dib u isu abaabuleen isla markaasna dib u soo celiyeen intii badneyd degaanadii laga saaray ayaa haatan qorsheynaaya iney khalkhal geliyaan Amaanka degaanada ku xeeran Caasimada iyo xarumaha Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle, waxeyna wadaan qorshe ay xiriir kula yeelanayaan Kooxda Xuutiyiinta ee Dalka Yemen.

331410cookie-checkMa Dhabaa in Khasaaraha Ciidamada Dowlada ka soo Gaaraya Dagaalka Shababka ay Kordheen..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *