CABSI LA SOO DARISTAY DADKA UGA SHAQEEYA LAASCAANOOD MAAMULKA SOMALILAND 

Somalia news

Tan iyo bishii Oktoobar 2007kii MMagaalada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa maamulaayay Maleeshiyo beeleed degaanka ka soo jeeda oo uu maamulka Somaliland uu ku tiirsan yahay, kuwaasoo waday Dilal qorsheysan, afduub iyo barakicin qasab ah, iyagana noqday kuwo la ugaarsado..

Wararka ayaa sheegay in Dilalka qorsheysan oo lagu beegsansayo dadka u shaqeeya maamulka Somaliland kuna sugan Laascaanood ayaa aad u soo korartay, Ilaa bishii Janaayo waxaa la dilay 9 qof oo mid ka mid ahi ka tirsanaa ciidan beeleedka magaalada laga qortay oo lala dilay afadiisii. Dhowaan waxaa markii labaad si dirqi ah isku day dil kaga badbaaday Cabdicasiis Xuseen Taarwale.

Dad badani ayaa u fasirteen in Xoogaga beegsanaya dadka loo yaqaan “hor galayaasha” aysan kala jeclayn kan weli maamulka Somaliland u shaqeeya iyo kii u shaqeyn jiray, mid ka mid ah isu duwayaasha Hey’adaha Adeegga Bulshada oo la wareystay isagoo wajigiisa ka muuqatay Fiigsanaan badan, ayaa ku nuuxnuuxsaday “Liiska dadka la dilayo ayay igu dareen, Waa sababta aan qori u sito, Qof i ilaaliya ma haysto” ayuu yiri isaga oo aan sheegin dadka naftiisa halista ku ah.

Qorshe is ilaalin dariseed

Sheekh Xaliike oo ka mid ah Culimada Laascaanood ayaa ugu baaqay Dadka magaalada inay qorshe dariseyn ah dhistaan si dadku nabad ugu soo hoyan karaan, Hadalka Sheekh Xaliike waxaa loo qaatay baaq uu dadka ugu xilsaarayo ilaalinta kuwa u shaqeeya maamulka Somaliland oo kooxo aan la garaneynin ugaarsanayaan, Awood dhaqaale maamulka Somaliland uma hayo inuu ilaaliyeyaal u sameeyo qof kasta oo mushaar uga qaata inuu ka shaqeeyo Laascaanood.

196700cookie-checkCABSI LA SOO DARISTAY DADKA UGA SHAQEEYA LAASCAANOOD MAAMULKA SOMALILAND 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com