Share the post "Ma Dhabaa In Kheyre Uu Ku Qaabilay Istanbul Madaxda Gobolada Qaarkood"
Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Madaxweynayaasha Maamulada Konfur galbeed iyo Galmudug uu Muddo ku sugnaa Magaalada Istanbul (Turkey) ay kulamo qarsoodi ah la qaateen Ra’iisul wasaarihii hore Mr.Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale Oo Xisbiyada Mucaaradka ka tirsan…
Wararka ayaa sheegaya in Kulankaan laga qabanqaabiyay Villa Somalia, iyadoo 3-Nin ay ka wada hadleen Xaalada Dalka, Arrimaha Doorashada iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arimaha Siyaasada gudaha, isla markaasna meel looga soo wada jeesan lahaa xisbiyada Mucaaradka.
Xogaha helayno magaalada Muqdisho iyo saraakiil katirsan maamulka Villa Somalia ayaa sheegaya in Mr.Qoorqoor iyo Mr.Lafta-gareen oo saaxiib dhow la ah Khayre ay ka qayb yihiin ololaha Xasan Cali Khayre, taasi oo meesha ka saari karta xiriirka ay la leeyihiin Farmaajo & Fahad Yaasiin, inkastoo aanu warkaani si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Dhowaan ayaa la sheegay in Xiriir Taleefon uu dhex maray Mr.Farmaajo iyo Mr.Khayre oo ku sugan Magaalada Istanbul waxaana fududeeyay Mr.Qorqor, Madaxtooyada Somalia ayaa loolan adag ugu jirta sidii ay Musharixiinta Mucaaradka ah uga guulaysan lahayd Xulista Xildhibaanada ku soo baxaya kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia.