Ma Dhabaa in Gobolka Gedo uu Kormeer ku Tegaayo Madaxweynaha

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa taagnaa khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Maamulka Jubbaland iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Gedo, khilaafkaan oo ragaadiyay Howlaha Maamulka, Waxaana farta lagu goday in Khikaafkaan uu markiisii hore ka soo bilaawday Farmaajo & Sheekh Axmed Madoobe…

Maamulka Villa Somalia ayaa u xil saaray Hogaanka NISA sidii loo soo af jari lahaa ku xirnaansha iyo ka amar qaadashada Maamulki hore ee Farmaajo, kaasoo la sheegay inuu magaalada Mogadishu ugu yeeray Mas’uulka Hey’adda ee Gobolka Gedo Bakaal Kooke, wuxuuna kula heshiiyay in la shaqeeyo Maamulka Villa Somalia isla markaasna tirakood Hubka & Ciidamada ku sameeyo soona gudbiyo.

Madaxa Hey’adda NISA qeybta Gobolka Gedo, Bakaal Kooke oo ka ka hadlay markiisii ugu horreysay khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo kan Gobolka Gedo, ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka ay balan qaadeen inay tagayaan gobolka, si ay u dhageysato tabashada ay ka qabaan dadka degan Gedo hoggaanka Maamul Goboleedka Jubbaland.

Bakaal Kooke oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaa reer Gedo laga rabaa marka hade qeylo, buuq iyo siyaasad xumo waxba matareyso, Gedo Jubbaland-ayay ka tirsan tahay, Jubbaland hadaa kala maqan nahay waa la isku keenaa waa la wada hadlayaa, waala doodi doonaa madal baa la iska rabaa,” Sidoo kale, Wuxuu sheegay in muhiim aysan ahayn in Gobolka amnigiisa lagu ciyaaro, balse ay tahay in amniga la wada ilaaliyo.

202880cookie-checkMa Dhabaa in Gobolka Gedo uu Kormeer ku Tegaayo Madaxweynaha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com