Digniino Caafimaad oo laga soo saaray Talaalka Cudurka Dabeesha

Health World

Warbixin ay diyaariyeen Khubarada Caafimaadka ayeey ka soo saareen natiijada Cilmi baaris dhawaan laga sameeyey magaalooyinka London, New York iyo magaalada Israel ay haysato ee Qudus ayaa lagu ogaadey in talaalka afka laga qaato ee xanuunka dabayshu uu xiriir la lee yahay faafitaanka cudurkaasi…

Cilmibaaristaan ayaa lagu xusay in tallaalka noocan ah ee afka laga qaato ayaa xiligaan lala xiriiriyay cudurrada dabeysha ee ka dillaacay Mareykanka, Ingiriiska iyo Israa’iil, waxeyna Khubaradu baareen muunado nooca fayraska laga helay New York, London iyo Qudus, iyagoo ogaaday inuu si toos ah ugu xiran yahay tallaalka afka laga qaato.

Taariikhda tallaalka

In ka badan 30 sano, laba dhibcood oo dareere ah oo leh qadar aad u yar oo ah fayraska dabaysha oo nool ayaa kicinaayey jawaab celin difaaca jidhka taas oo ilaalisay balaayiin dad ah. Waxay u badan tahay inay dad badan ka badbaadisay nolol adag.

Dabayshu waxay sababi kartaa curyaanino awood la’aanta isticmaalka gacmaha ama lugaha, Xaaladaha qaarkood waxay sidoo kale horseedi karaan dhimasho, Sanadihii ugu dambeeyay, dabaysha ayaa gabi ahaanba laga waayay wadamada qaniga ah. Waxa kaliya oo laga helaa wadamo yar oo sabool ah meelaha ay adagtahay in la helo biyo nadiif ah.

209620cookie-checkDigniino Caafimaad oo laga soo saaray Talaalka Cudurka Dabeesha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com