Khilaaf U Dhaxeeya Laba Urur Oo Dhisme Wada Degan

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya muran iyo dood adag oo u dhaxeysa Ururka Haweenka Qaranka iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka taasoo gaartay dagaal gacan ka hadal ah, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joog u ahaa…..

Mas’uuliyiinta Labadaan urur oo isla dagan dhismaha Guriga Hooyooyinka ayaa dooddooda waxay soo taagneyd mudooyinkii ugu dambeeyay oo ka soo billaabata markii Guddiga Shaqaalaha la dejiyay dhismaha Hooyooyinka.

Maalmo ka hor ayaa xubno madax ah oo ka kala tirsan labada hay’adood waxay ku doodeen boor ay guddiga Shaqaalaha Rayidka damacsanaayeen inay ku dhagsadaan dhismaha, waxaana arrintaasi ka soo horjeestay Batuulo Axmed Gabale oo ah guddoomiyaha Haweenka Qaranka.

Dhinacyadan ayaa waxaa dhaxmaray dood adag halka qaarkood ay sameeyeen gacan qaad inkastoo markii dambe la kala qabtay, Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegay in Ururka Haweenka ay wali diidan yihiin in Guddigan Dhismaha uu dagan yahay ee Hooyooyinka ku dhagsadaan boor halka wali guddiga shaqaalaha ay ku doodaan arintaasi.

Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa ku doodaya in iyagoo fulinaya amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha oo ah in boorar ay dhagsadaan xafiisyada hay’adaha dowladda ay dhagsan doonaan boor halka Ururka Haweenku ay ku doodayaan in ay raadsadaan xarun ay leeyihiin ama kiro ah oo ay ku dhagsadaan balse halkaan aysan aheyn xaruntooda loona baahan yahay in ay ka guuraan.

Halkii ay dooda ka taagneyd ee la damacsanaa in boorka lagu dhejiyo waxaa hadda mid cusub ku dhagsaday Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed maadaama ka hor doodaan uusan guriga Hooyooyinka ku dhaganeen wax boor ah oo labada dhinac ah.

46200cookie-checkKhilaaf U Dhaxeeya Laba Urur Oo Dhisme Wada Degan