Ma Dhabaa In Kulan Yeesheen Rooble & Farmaajo

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan hordhac ah oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia kaasoo u dhaxeeyey Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Xil gaarsiinta Rooble, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Warsidaha Diinah.com news..

Kulankaan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee labada Nin dhex-mara tan iyo markii ay bishii tegtay fashilmeen wada-hadalladii laba dhinac kadib khilaafkii ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo tallaabooyinkii xigay ee ay ka mid ahaayeen xil ka-qaadistii Fahad Yaasiin iyo magacaabiistii labada taliye ee ay NISA u kala magacaabeen.

Waxaana kulanka kasoo shaqeeyey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo dadaallo xoogan Muqdisho ka waday labadii maalin ee tegay iyo Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Qatar.

kulanka ayaa ahaa mid hordhac oo sallaan, sheekeysi, waxaana lagu balamay in Farmaajo iyo Rooble ay habeen dambe kulan kale la isugu yimaado, si looga wada-hadlo arrimaha uu khilaafka ka taagan yahay, la isuguna dayo in xal laga gaaro.

146890cookie-checkMa Dhabaa In Kulan Yeesheen Rooble & Farmaajo