Talooyin Loo Jeediyay Dowladda Xil Gaarsiinta

Somalia news

Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Doorashada Somalia ayaa u soo jeediyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iney mudnaanta siiyaan 3-Qodob oo muhiim u ah hor-tebinta geedi socodka Howlaha Doorashada dadban ee Dalka…

War-saxaafadeed ay soo saareen ayeey kula taliyeen Mas’uuliyiinta Soomaalida iney laga maarmaan tahay in Qodobadaan loo baahan yahay in xal loo helo lagu daro Arrimaha Doorashada, waxeyna kala yihiin:-

-In Diyaar-garow dheeraad ah oo faahfaahsan loo galo Amniga Doorashada.

-In la kala Cadeeyo Talaabooyinka lagu sugaayo Matalaada Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka oo heshiisku yahay 30%.

-In deg deg loo xaliyo Muranka ka taagan Guddiga Maareynta Doorashada.

Waxaana lagu booriyay Hogaamiyayaasha Soomaalida iney “si aan dib u dhac laheyn u abaabulaan Doorashada Aqalka Sare oo lagu waday iney bilaabato 25-kii Bishaan, inkastoo uu hal maamul u qabtay Doorashada, hadana waxaa lagu adkeeyay Maamulada kale iney si dhakhso ah u bilaabaan Howlaha Doorashada.

132280cookie-checkTalooyin Loo Jeediyay Dowladda Xil Gaarsiinta