Kaluumeysiga Sharci Darrada ee Xaalufinta ku haya Xeebaha Dalka & Wax ka Qabasho la’aanta Dowladda..

Somalia news

Waxa si xowli ah u sii kordhaya Maraakiibta Shisheeye ee xeebaha Dalka ka wada xaafulinta Kaluumeysiga sharci darrada ah, iyo Shirkado qansadaaryo ku qaatay in haamaha haraaga Isbitaalada Europe ee Kimilada sumeysan ee lagu daadinaaup xeebaha Dalka, mana jirto cid u taagan wax ka qabashada dhibaatada lagu hayo Xeebaha Somalia..

Muwaadin kasta oo Soomaali ah ayaa isweydiiya maxaa keenay in Maraakiibta tirada badan Jiraafka oo ka kalluumeysta aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Xeebaha Galmudug, Jubaland & Puntland, iyadoo lagu fasiray in Awooda Dowladdnimo oo liidata iyo in Dalka oo aan lahayn Ciidan Badeed oo kontorooli kara xeebaha iyo Siyaasiyiin Danley ah oo macaash doon ah ayaa noqday fursad ay Maraakiibta Shisheeye uga faa’ideysan karaan Kheyraadka ceegaaga xeebaha dalka oo dherarkeedu gaaraya 3,333-KM.

Maraakiibtan jiriifka ah ayaa Xeebaha Somalia ka daad-gureysta noocyada kala duwan ee kalluunka, iyagoo halkii mar la baxa xadi kalluun iyo ugxaan oo aad u badan, waxaana ay aad uga howlgalaan aagga dhaqaalaha badda Somalia ee loo yaqaano (EEZ), waxaana ugu badan Dalka China oo 300-Shirkadood ay ku sugan yihiin Xeebaha Galmudug iyo Jubbaland, waxaana ku soo xoga Maraakiibta Dalalka Spain, Italy iyo France, halka Degaanada Puntland la diiwaan geliyay Maraakiibta Iran, Thailand iyo qaar kale.

Maamulka Kooxda Villa Somalia ayaa dalacsiin ku abaal marisay Mrs.Hodan Cusmaan Cabdi oo Wakiil uga ah Shirkadaha isku tagay oo tiradoodu kor u dhaafayaan 300-Shirkadood Chines ah iney noqoto Gudoomiyaha Bangiga Horumarinta & dib u dhiska Somalia, iyadoo horey u aheyd La-Taliyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Horumarinta Karaanka Bulshada balse la xaqiijiyay iney si dhow ula shaqeyso Sirdoonka China iyo Shirkadaha Kaluumeysiga, waxeyna ka mid aheyd Maamulkii Farmaajo.

Si kastaba, Khubarada la socda arimaha Dalka, ayaa ku talinaya in caqabadahaan looga gudbi karo, helitaanka Dowlad si buuxda u hanata quluubta Shacabka, islamarkaana fiira gaar ah u yeelata ilaalinta Xuduudaha kala duwan ee dalka sida, Dhulka, Xeebaha iyo Hawada, waana mid ifa-faalaheedu aanu muuqan oo qaadan karta sanado aad u badan.

314530cookie-checkKaluumeysiga Sharci Darrada ee Xaalufinta ku haya Xeebaha Dalka & Wax ka Qabasho la’aanta Dowladda..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com