Ma Dhabaa in Maamulka Puntland Lagu Eedeeyay inuu Faragelin ku hayo Hogaanka SSC-Khaatumo..

Security Somalia news

Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulka SSC-Khaatumo ayaa eedo u jeediyay Hogaanka Puntland iyo Koox gacan saar la leh kuwaasoo lagu eedeeyay iney faro gelin joogto ah ku hayaan Hogaanka Maamulka, waxaa sido kale lagu dhaliilay inry xagal daaciyeen Howlaha lagu difaacaayo Bariga magaalada Ceyrgaabo..

Wararka ayaa sheegaya in Kala-shaki baahsan ayaa soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta Maamulka SSCK kadib markii Maleeshiyo Beeleed aan maamulka hoos imanin isku dayeen inay weerar ku qaadaan Ceerigaabo, Maamulka SSC-Khaatumo oo Siyaasadiisu ay ku saleysan tahay is-Difaac iyo in aan la weerarin Degaan ama Tuulo Dad Shacab ah oo Soomaaliyeed ay ku nool yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in khilaaf xoogan oo aan la shaacin uu u dhaxeeyo Hogaamiyaha iyo ku xigeenkiisa SSCK, Dad badan ayaa aamminsan in waxa la isku hayo yahay Dakhliga qurbejoogtu soo diraan iyo In Dhaqaale laga qaato Maamulka Puntland, maadaama Mr.Firdhiye oo diiday inuu Maamulka SSCK qaato dhaqaalaha Puntland u soo bandhigtay balse u sheegay iney ka horgoosaneyso Kabka Dowlada Federaalka.

Waxaa soo baxaaya in Hogaanka SSCK ay ku adkaatay Xakameynta kooxaha ku loollamaya Jiheynta Siyaasadda iyo Amniga ee Degaanada Maamulka, Ma cadda in madaxdhaqameedka SSCK ku baaqi doonaan wadatashi si loo xakameeyo Siyaasiyiinta Hubeysan iyi Maamulka Puntland oo dejiyay qorshe lagu magac dilaayo Hogaaminta Mr.Firdhiye, Maamulkana la hoos geeyo Puntland.

353810cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Puntland Lagu Eedeeyay inuu Faragelin ku hayo Hogaanka SSC-Khaatumo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com