Ma Dhabaa In Muddo Kororsi La Hor-geynaayo Barlamaanka

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah oo laga Kulamo qarsoodi ah oo wada tashi ah una dhaxeeyay in Mr.Farmaajo, Mr.Mursal, Muudey iyo Adeege Fahad, ayaa la sheegaya in la isku afgartay in aan la magacaabin Ra’iisul Wasaare cusub ilaa Baarlamaanku sameeyo muddo korarsi….

Xogtaan ayaa u Xaqiijisay Diinah.com news in 4-taan Shaqsi Oo Kulan ay yeesheen isku raacay in Ra’iisul wasaaraha cusub ay dhici karto inuu diido muddo korarsi islamarkaana ay adkaanayso ama aysan suuro-gal noqon in si dhib yar loo rido ra’iisul wasaarihii taasina ay fashil ku keeneyso Farmaajo iyo dhammaan qorshayaasha dowladda.

Xildhibaannadan oo dalbaday inaan magacyadooda la xigan sababo la xiriira ammaankooda, isla markaasna ahaa kuwo ka soo kala jeeda degaano kala duwan ayaa ku eedeeyay 4-taans mas’uul inay qorshaynayaan arrimo horseedi kara inuu dalku cagaha la galo dagaalo sokeeya, iyagoo dhiiri gelin dhaqaale iyo balanqaadyo ka helay Maamulka Dooxa.

 Sidoo kale xildhibaannada ayaa tilmaamay in 4-taan mas’uul ay hadda gacanta ku hayaan qorshe deg deg ah oo dowladda Qatar maalgalinayso oo lagu laaluushayo Baarlamaanka si fadhiyada ugu horreeya ay ugu dhawaaqaan muddo kororsi labo sano ah, si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka qabsoonta.

Xubnahan xildhibaannada ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada iyo dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka ah inay ka digtoonaadaan arrintan oo ay sheegeen in ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay in la fashiliyo go’aannadii iyo heshiisyadii lagu gaaray Dhuusamareeb I, II, isla markaasna khilaaf hor leh laga dhex abuuro dowlad goboleedyada.

52470cookie-checkMa Dhabaa In Muddo Kororsi La Hor-geynaayo Barlamaanka