Ma Dhabaa in Madaxweynaha soo Fara Geliyay Kiiskii Musuqa ee Go’aanka Maxkamada Gobolka…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynaha uu soo fara geliyay Xukunkii ay gaartay Maxkamadda Gobolka Benaadir kaasoo lagu riday xubno lagu soo eedeeyey Xatooyo xoolo dadweyne, hayeeshee Garsoorka Maxkamadda oo ku weyday qaar ka mid ah Eedeysanayaasha amartayna in la sii daayo…

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu u yeeray Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, waxayna ka dageen magaalada DhuusaMareeb, wuxuuna Amar dul dhigay Xeer Ilaalinta Qaranka iney Racfaan ka qaataan, isagoo ku amray in aan la sii deyn karin Eedeysanayaasha.

Madaxweyne Xassan ayaa xubnahan kala hadlaya sababta ay ku dhacday xukunka uu gaaray gudoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir Saalax Damaan, isagoo si weyn uga carooday dhammaan talaabooyinka la qaaday ee xoriyadooda loogu celiyey xubnaha lasoo eedeeyey, oo qaarkood wajigabax lagala kulmay.

Villa Somalia oo dano siyaasadeed ka lahayd kiiskan & Hanti-dhawraha dhawaangalka ah ayaa ka carooday xukunka dhacay, oo aysan ku qancin, taasoo sababtay in laga horjoogsado in la sii daayo xubnihii dambiyada lagu waayay, sabab la xariirta in Madaxweynaha la qanciyo.

279900cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha soo Fara Geliyay Kiiskii Musuqa ee Go’aanka Maxkamada Gobolka…