Ma Dhabaa in Maamulka Puntland uu Eedeyn u Jeediyay Shirkadda Isgaarsiinta Hormud..

Security Somalia news

Xuuraano aan la hubin ayaa tilmaamaya in Saraakiisha Maamulka Puntland ee howlgalada ka wada Buurta Cal-miskaad ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen tiro SIM-Cards oo ay sheegeen in qaarkood ay ku jiraan Lacago badan isla markaasna isticmaalaayay Hananka KYC ayna isticmaalaayeen Ajaaniibta Hubeysan…

Waxeyna Saraakiishaan si hoose u sheegeen in markii Baaris lagu sameeyay SIM-Cards-kaan mid ka mid ahi laga helay iney ku jirto 180-kun US$, iyadoo eedo aan la hubin dusha u saariyay Shirkadda Hormud, waxeyna eedooda ku sheegeen “Sidee kooxaha argagixisadu loogu fudiyeeyay cadadkaan buuran ee lacagahan? Shirkadaha isgaarsiintu si sax ah ma u dhaqan galiyaan macmiilkaaga (KYC) iyo kormeerka maaliyadeed? yaa lagula xisaabtamayo habacsanaantan amni

Hadaba, waxaa xaqiiqo ah in gudaha Somalia macaamiishu ma awoodaan inay buuxiyaan shuruudaha KYC maadaama dalku uusan soo saarin dukumentiyadan. Nuxur ahaan, Somalia weli kama hirgelin Nidaamka KYC maxaa yeelay ID-cards oo la isku raacaan yahay Dalka lagama hirgelin, Barnaamijkaan (KYC) aqoonsiga waxa uu bixiyaa nambarada aasaasiga ah iyo Kaarka aqoonsiga.

360300cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Puntland uu Eedeyn u Jeediyay Shirkadda Isgaarsiinta Hormud..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *