Hey’ad Xuquuqda Isnaanka U Dooda Oo Baaq Soo Saartay

Somalia news

Xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland, ayaa Maamulka Somaliland ugu baaqday iney siidaayaan 42 qof, oo magaalada Boorama loogu xiray iney qaateen Calanka Soomaaliya munaasabadii 26 Juun….

Xarunta ayaa sheegtay in Dadkaan oo ku kala xiran magaalooyinka Boorama iyo Gabilay aan wax maxkamad ah la horgayn ilaa iyo hada, isla markaana loo diiday eheladoodu iney booqdaan.

Xarunta xuquuqal insaanka ayaa sharci daro ku tilmaantaay xariga Dhalinyaradaan “Dhamaan dadka xiran waxay wajahayaan xarig sharci daro ah. Dowladu waxay ku xad gudubtay mabaadiida dastuuriga ah ee damaanad qaadaya xoriyaad ka aasaasiga ah ee muwadiniinta”.

Dhalinyarada Maamulka Somaliland u xiray calanka Somalia, oo tiradoodu dhan tahay 42 qof ayaa 7 kamid ahi ku xiran yihiin magaalada Boorama halka 35 kale lagu hayo xabsi isku yaal Magaalada Gabilay.

130190cookie-checkHey’ad Xuquuqda Isnaanka U Dooda Oo Baaq Soo Saartay