Maamulada Galmudug & Konfur Galbeed Oo Cabsi soo food saartay

Somalia news

Abaabulka kulamo siyaasadeed oo cadaadis lagu saarayo Madaxweynayaasha Konfur galbeed, Cabdicasiis Lafta gareen Galmudug Axmed Qorqor ayaa ka bilaawday Magaalada Mogadishu, Maalmo kadib markii Farmaajaha ay u adeegi jireen uu banneeyay Madaxtooyada…

Inta badan Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Odayaasha ka soo jeeda Degaanada labada Maamul ay madaxda ka yihiin Laftagareen iyo Qor-qor, ayaa rumeysan in isbedel lagu sameeyo Hogaanada Galmudug iyo Konfur galbeed, halka Waxgaradka Hirshabelle ay qabaan in Cali Guudlaawe uusan fogaan falkinta xumaanta iyo u adeegida Farmaajo.

Sidoo kale inta badan Shacibga Soomaaliyeed ayaa rumeysan in Farmaajo iyo Fahad Maxkamad la horgeeya Dembiyadii ay galeen 5-tii sano ee u dambeysay, iyadoo sidoo kale talo loogu soo jeediyay Maamulka cusub ee Villa Somalia in kooxaha CBB-da la burburiyaa oo dhaqaale iyo sirdoon loo adeegsadaa kuwaasoo ku milmay Xafiisyada iyo Hey’adaha Dowlada, Cafis iyo hadalo qabow kuma filna xaalka jira.

Kooxahaan xiligaan kala guurka ah waa isa-suuxinayaan (Sleep cell), waxayna ku jiraan ishaa falato haday dabac arkaan iyo isla xisaabtan la’aan dib ayay isku soo abaabulayaan, Maamulka waa inuu feejignaan dheeri ah la yimadaan.

190760cookie-checkMaamulada Galmudug & Konfur Galbeed Oo Cabsi soo food saartay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com