Ma Dhabaa in Gen.Odawaa uu Shuruud ku Xiray inuu Mar Kale Hogaanka Ciidamada Qabto..

Somalia news

Xogo loo qaateen ahaa xaqiijinaaya in Maamulka Villa Somalia oo ku fashilmay Dagaalka lagula jiro Kooxda Shababka ayaa haataan doonaysa in isbedel ay ku samayso saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo dardar galiyo Amiga guud ahaan Dalka…

Madaxweynaha ayaa ka fakaraya inui dib u soo celiyo Saraakiil hore ugu tirsanaa Ciidamada, kuwaasoo uu isaga shaqada ka eryay kadib markii uu xilka kala wareegay Madaxwaynihii hore, waxaana la sheegay inuu ka fekeraayo in uu dib u soo magacaabo Gen Odawaa Yuusuf Raage.

Sareeyahaan ayaa la sheegay inuu iska diiday in markale Hogaanka u qabto Ciidamada Xoogga Dalka sida ay sheegayaan xogaha laga helay xafiiska Madaxwaynaha, wuxuuna ku sababeeyay inuusan doonaynin in markale wada shaqayn dhax marta isaga iyo Wasiirka difaaca Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac ).

316540cookie-checkMa Dhabaa in Gen.Odawaa uu Shuruud ku Xiray inuu Mar Kale Hogaanka Ciidamada Qabto..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com