Ma Dhabaa in Markab Kaluumeysi Laga Afduubtay Xeebaha Degaanada Puntland & Sababta…

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal afduub oo maleeshiyaad ka soo jeeda Degaanada Puntland ay ku afduubteen Markab Kaluumeysi oo laga leeyahay Taiwan oo Dal gooni goosad ka ah Dalka China, kaasoo la sheegay in Maamulka Deni ee Puntland ay oggolaasho siiyeen inuu si sharci darro ah uga Kaluumeysto Xeebaha…

Wararka ayaa sheegaya iney Afduubteen Koox ka tirsan Xoogaga Amaanka ee Puntland kuwaasoo loo xil saaray iney Amaankiisa ilaaliyeen, waxeyna ka afuubteen Degmada Xafuun ee Gobolka Bari maalintii Arbacada aheyd, iyadoo la geeyay degaan xeebeedka Jiifle oo ka tirsan Degmada Eyl, Isku dayo kala duwan oo lagu raadinayay in wada-hadal lagu qanciyo kooxaha markabkani haysta ayaan weli guulaysan, waxaase ilaa iyo hadda socda dadaallo ku aaddan in la sii wado waan-waanta bilaabatay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Markabka oo ay wakiil ka yihiin Ganacsade Maxamuud Shiddo iyo Senetar Daahir Ayaanle ayaa waxa uu shati kaluumeysi ka haystaan Maamulka Puntland, Degaanada Puntland ayaa in muddo ah waxaa dib loo abaabulay Kooxaha hubeysan ee Burcad badeedka, Maamulka Deni ayaa ka gaabiyay inuu xakameeyo Maleeshiyo Beeleedka meherada ka dhigtay Afduubka Maraakiibta.

Burcad badeedda Puntland ayaa la sheegayaa iney ka heleen hub heerkiisu sareeyo kooxaha Argagixisada gaar shaan Daacishta Somalia iyo Kooxaha Xuuriyiinta, taasoo loo makeynaayi inuu jiro hanaan uu hubku ku soo gaaro, Sanadkii 2017 ayey ahayd markii ay soo baxeen baaritaano ay sameeyeen Maraykanka iyo Qaramada Midoobay oo lagu ogaaday inay jiraan xubno ka tirsan burcad badeedda oo taageero u fidinayey Al Shabaab, Daacishta iyo Kooxda Xuutiyiinta.

351570cookie-checkMa Dhabaa in Markab Kaluumeysi Laga Afduubtay Xeebaha Degaanada Puntland & Sababta…