Dagaal-Mindhicireedka Qaadka Kenya Ee Farmaajo & Walaalkiis

Somalia news

Waxaa cabasho xoogan soo saaray Gadisleyda iyo Ganacsatada Qaadka Ka imaan jiray Dalka Kenya, iyagoo jir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxeyna eedeeyn u soo jeediyeen Xasan Farmaajo oo la dhashay Mr.Farmaajo iyo Xikdhibaan ka soo jeeda Beesha Mariixaan, Kuwaasoo ay sheegeen iney Ganacsigooda hortaagan yihiin…

Ganacsatada ayaa sheegay in Xasan Farmaajo oo isticmaalaya shaati dowlo, isagoo la siiyay shatiyada Ganacsiga Qaadka Ethiopia iyo kan Kenya ka yimaada, Ganacsatadaan ayaa sidoo kale ku Eedeeyay Mr.Farmaajo inuu cunaqabateyn iyo xarig sharci darro ah u geystay Ganacsatada.

Dhanka kale, ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamay in Qaadka Kenya laga soo geliyo xuduudda Mandheera diyaarad u kireysan Xasan Farmaajo & Kullane Jiis Mariixaan ayna ka soo qaado Magaalada Doolow kadibna la keeno Magaalada Mogadishu laguna iibiyo iyadoo aan laga qaadin wax canshuur ah.

Mr.Farmaajo iyo Walaalkiis Ayaa la sheegay iney Xoogaga Amaanka u adegaadaan Qaadka lagu keeno Doomaha, iyadoo dhowr jeer todobaadyadii ugu dambeeyay dagaal kula galay Duleedyada Konfurta iyo Waqooyiga Magaalada Mogadishu ilaalo galbineysa Qaadka doomaha, iyadoo dhimasho iyo dhaawac uu dhinacyadaan kala soo gaaray

88720cookie-checkDagaal-Mindhicireedka Qaadka Kenya Ee Farmaajo & Walaalkiis