Natiijo Laga soo saaray Shilkii Diyaaradeed ee ka Dhacay Magaalada Mogadishu..

Somalia news

Warbixino dheeraad ah ayaa laga soo saaray shilkii Diyaaradeed ee 11-kii bishan ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxaa la sheegay inuu ka dhashay dabaylo ka dhashay dhabaha halka loo yaqaano (Runway 05), taasoo horseeday iney ka baxdo..

Sidan ayaa lagu sheegay baaritaano hordhac ah oo ay samaysay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia, Dabayshaani (Wind shear) waa isbeddel ku yimaada xawaaraha dabaysha oo jihada ku bedelata masaafo gaaban, Waxay u dhici kartaa si joog ah ama jiif ah inta badanna waxay la xiriirtaa isbeddelka heerkulka ama cufnaanta, sida ay sheegtay Wasaaradda Duulimaadyada Federaalku.

Qoraal ay soo saartay Wasaarada oo ku taariikheysan 27-kii bishan July ayeey ku sheegeen in shilkani qabsaday diyaaradda E120 oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Halla Airlines, taasoo dhacday kadib markii duuliyaha, oo u dhashay dalka Tanzania, uu xakamayn waayey diyaaradda kadib markii ay u degtey dabaylo xooggan oo ay la kulantay dartood, taasoo keentay inay u baxdo oo go’do lugta bidix.

Diyaarada waxaa saarnaa 30-Rakaab ah iyo 4-Shaqaale oo ka mid ah shaqaalaha diyaaradda, iyadoo labo qof ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

268970cookie-checkNatiijo Laga soo saaray Shilkii Diyaaradeed ee ka Dhacay Magaalada Mogadishu..