Ma Dhabaa in Somalia ay Weydiisatay Turkiga Taageero Dhanka Amniga…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan dhex maray Wasiirka Amniga Dowlada Federaalka Mr.Cabdullaahi Sh.Ismaaciil iyo Safiirka Dowlada Turgiga u Fadhiya Somalia Mr.Alper Aktas, waxaana diirada lagu saaray xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga ee u dhaxeeya 2-Dal gaar ahaan Taageerada Hey’adaha Amniga…

Dowladda Turkiga ayaa lagu wadaa iney Kaalin mug leh ka qaadato kadib dhamaadka Sanadkaan marka ay ka baxaan Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Ethiopia oo xiligaan ku sugan Gobolada Bay, Bakool, Hiiraan iyo Gedo, inkastoo aysan tegi doonin degaanadaasi hadana waxaa lagu wadaa iney Fariisimo Ciidamo ku yeelato 4-Magaalo oo ku yaal Xeebaha Dalka kuwaasoo qorshahoodu hadda maraayo dhamaad.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Magaalada Kismaayo ay gaareen 1500 oo Askari kana tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka, waxaana lagu wadaa in 1000 kale bilaha soo socda ay ka gaari doonaan Gobolka Jubada hoose, ku darsoo 2000 oo Ciidamo Turkish ah ayaa fariisimo ka sameysan doona mustaqbal dhow magaalada Kismaayo.

329670cookie-checkMa Dhabaa in Somalia ay Weydiisatay Turkiga Taageero Dhanka Amniga…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *