Madaxtooyada Puntland oo Lagu Eedeeyay iney Faragelin ku heyso Guddiga Doorashada

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland uu qorsheynaayo inuu isbeddel aan weli la shaacin ku sameeyay liiska Degmooyinka loo diiwaan-geliyay doorashooyinka lagu muransan yahay ee qof iyo cod…

Warar loo qaateen ah ayaa sheegaya in Guddiga TPEC ay liiska ka saareen 16 degmo oo markii hore ku jiray degmooyinka loo qorsheeyay doorashooyinka qof iyo cod, Liiska Degmooyinka oo ahaa 37 degmo ayaa hadda lagu koobay 21 degmo waxaana weli ku socda dhimis sida ay wararku tilmaamayaan.

Dhanka kale, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka oo ka kooban sagaal xubnood ayaa sida la filayo iska dhex dooran doona guddoonka Guddigaasi, Madaxtooyada Puntland ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa in guddoomiyaha KMG ah ee hadda jooga TPEC Cabdirisaaq Axmed Siciid uu ku soo baxo guddoomiye rasmi ah.

224320cookie-checkMadaxtooyada Puntland oo Lagu Eedeeyay iney Faragelin ku heyso Guddiga Doorashada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com