Cabasho ka Soo Yeereysa Ardayda, Ganacsatada & Shacbiga Soomaaliyeed ee ku Magaalada Istanbul..

Somalia news

Kadib markii Wiilka Madaxweynaha Somalia (Mohamed Hasan Sheekh) oo si sharci darro u qaatay Gaari ay leedahay Qunsuluyada Somalia sumadiisuna tahay 06-CD-4581, kaasoo leh xasaanada Diblomaasiyada ee xeerarka Caalamiga ah, Shilna ku galay isla markaasna si kam ah ugu dilay Marxuum Yunus Emre Göcer 30-kii Nov 2023-kii..

Waxaa soo shaac baxaaya Falal abaabulan oo dhan ka ah Ardayda, Ganacsatada iyo Shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Istanbul, waxaana u dambeeyay tiro Arday oo dhibaato xalay loogu geystay gudaha magaalada Istanbul, hadda qurba-joogta Soomaaliyeed ee Turkiga waxay la tacaalayaan cawaaqib xumada ka dhalan karta falka wiilka Madaxweynaha, kaasoo ka baxsaday Cadaalada isagoo gacan ka helayaa Saraakiisha Safaarada.


Fursadaha Siyaasiyiinta Mucaaradka Turkiga

Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu, ayaa qoraal uu boggiisa X (ex Twitter) soo dhigay wacad ku maray inuu maxkamad horkeeni doono, oo aanu kana hari doonin wiilka Madaxwaynaha Somalia, Maxamed Xasan Sheekh oo gaari jiirsiiyey Yunus Emre oo motoole ahaa kaasoo 6-maalmood kadib dhaawaca u dhintay.

Siyaasiyiinta Mucaaradka waxayna haystaan laba qiil oo iyana macquul ah:-

-Dood ayaa ka timid sifaha Wiilka Madaxweynaha loo siiyay Gaariga CD ah.

-Sababta ay Boliisku markii hore u faafiyeen war aan sax ahayn oo ahaa inuu Yunus Emre Göcer uu lumiyey xakamaynta mootada, halka uu muuqaalku muujinayo inuu istaagey oo qura iyo Damaanada lagu sii dayay oo tuhunka sii xoojiyay, isla habeenkiina laga dhoofiyay Garoonka Diyaaradaha.

292260cookie-checkCabasho ka Soo Yeereysa Ardayda, Ganacsatada & Shacbiga Soomaaliyeed ee ku Magaalada Istanbul..