Ma Dhabaa In Turkiga Lagu Tababaraayo Ciidamada Khaaska Ah

Somalia news

Wasaaradda Gaashandhigga Dowladda Turkiga ayaa warqad ay soo saaratay qoraal ay kaga hadleyso Tababarka gaarka ah ee la siinayo Askar Soomaali ah oo tiro ahaan gaaraya 150 oo ku sugan Gudaha dalkaas, maadaama baraahada farsamada dagaalada iyo xirfada dagaal gelinta ee Ciidamada Khaaska ay qayb ka tahay heshiiska dhexmaray labada Dowladood sida ku xusan qoraalkaan….

Ciidamadaan waxa ay qaadanayaan tababar iyo casharo gaar ah oo la siiyo Ciidamada Kumaandooska loo yaqaan, waxaana Tababarka uu u bilawday 21-kii December 2020, haatan waxa ay joogta u qoodanayaan duruursta & Layliyada lagu siinayo Xerada ay ku sugan yihiin.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in laga soo dhex xulay Qeybaha kale Ee Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, iyadoo lagu wado in kor loo qaado aqoontooda la xiriirta habka Dagaal gelinta, la-dagaalanka Kooxaha argagixisada ee qaabka (Ku dhufo oo ka qaaq ah), sidii loo badbaadiyo Dadka la afduubto iyo Qeybiyay kale Ee Farsamada Ciidamada khaaska ah.

Danjiraha Turkiga ee Somalia Mehmet Yilmay ayaa Bishii August 2020 sheegay in Dowladdisu ay qorsheyneyso ka qaybgalka dib u dhiska Ciidanka Qalabka sida ee Somalia, kuwaasoo tiro ahaan lagu qiyaasay 15,000 ilaa 16,000, waxaana uu dusha saartay in saddex meelood meel ay tababar & taageeraba siinayaan.

Inkastoo ay Dowladda Turkiga ay wadaan dadaalo badan oo ay gacan kaga siinayaan Dowladda Federaalka, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaaya qeylo dhaan iyo Eedeyn ka soo yeereysaa Xisbiyada Mucaaradka kuwaasoo ku Eedeeyay Dowladda Turkiga gaar ahaan Danjiraha u fadhiya Magaalada Mogadishu inuu si bareer ula saftay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo Ee muddo xileedkiisu dhamaadka yahay, waxaana loogu baaqay inuu faraha kala baxo Siyaasada Arrimaha gudaha Somalia.

84850cookie-checkMa Dhabaa In Turkiga Lagu Tababaraayo Ciidamada Khaaska Ah