Musharax Weydiistay Shacbiga Iney Dhaqaale Ku Taageeraan Xisbigiisa

Somalia news

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mr.Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa ku dhaqaaqay Talaabo ku cusub siyaasada Doorashada gudaha, kadib uu Shacbiga Soomaaliyeed uu weydiistay taageero dhaqaale siiyaan Ololihiisa Doorashada ee Musharaxnimads Madaxtinimada Dalka…

Fariin toos ah oo uu la wadaagay Shacbka ayuu ku sheegay Musharaxa inuu ka codsanaayo Shacbiga Soomaaliyeed iney dhaqaale ku taageeraan qof kasta inta uu awoodo, isagoo baraha bulshada soo dhigay Accounada lagu shubaayo qadarka lacagtaasi, wuxuuna sheegay in dhaqankaan cusub uu albaabada u furi doono in laga maarmo taageerada dhaqaale Ee Dalalka shisheeye.

Musharixiinta inta badan iyo Madaxweynaha Dowlad Federaalka ayaa la sheegay xiriir, saameyn iyo taageero dhaqaale ka helaan dalal Shisheeye sida, Qatar, UEA, Sacuudiga, Kenya iyo dalal kale, kuwaasoo la sheegay iney dhibaato xoogan ku hayaan geedi socodka Nabada, Horumarka iyo nidaamka Dowladeed Ee Somalia.

https://fb.watch/2R6gOQOCJK/

84880cookie-checkMusharax Weydiistay Shacbiga Iney Dhaqaale Ku Taageeraan Xisbigiisa